Wararka Manta: faahin dheeriya oo ka soo baxeysa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxay sheegayaan dhaq-dhaqaaq dhaqaale oo aan xasilooneyn oo ka dhex jira Airportka . Warku waxa uu sawir xun ka bixinayaa xaalada keenaysa walaac xooggan oo ku saabsan hufnaanta la'aanta iyo anshaxa dhaqaalaha.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirkad si Gara looleyahay taaso u xilsaaran qabashada lacagaha rakaabka laga qadayo ee Garoonka Muqdisho ay ku howlan tahay howlo shaki badan laga muujinayo. Xogaha rasmiga ah ayaa daaha ka rogaya shabakad ay ku lug leeyihiin dadka ka agdhow madaxtoyada, Somalia gaar ahaan qaraabada Madaxweynaha, gaar ahaan carruurtiisa, Shakhsiyaadkani waxay u muuqdaan inay si sharci Daro ah u sameynayaan Ilo dhaqale,taasoo keenaysa kalsoonida hababka maaliyadeed ee garoonka diyaaradaha.
Waxaa xusid mudan, xubnaha qoyska Madaxweynaha, oo ay ku jiraan carruurtiisa, inay si qoto dheer ugu xidhan yihiin saaxiibo siyaasadeed oo caan ah iyo xubno ka tirsan hay'adaha dawladda, oo loo wakiishay inay mas'uul ka yihiin qoondaynta dhaqaalaha. lagaso uruutinayo Airportka.
Sido kale xaladada ka jira Airport,ka waxaa ka qayb qadanaya masuuliyin u badan xubnaha Waiirada Dowladda taso si qooto dheer u abuuraysa Kalsoonida lagu Qabi karo in Golaha wasiirada u adeegadan bulshadan, kana qayb galan Arrimaha siyaasadda ee saamaynta leh, sido kale u adeegsadaan ilaha dhaqaalaha Si wadanku u Gaaro hufnan siyasaaded.
Dhanka bulshada, waxa isa soo taraya walaaca ay muwaadiniintu ka qabaan ku-takri-falka hantida dawladda iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto horumarka dhaqaale ee dalka. Xaaladda ayaa sidoo kale dhalisay baaqyo ku aaddan in si dhab ah loo baaro dhaqaalihii ka jiray Garoonka Muqdisho iyo si guud oo dowladda dhexdeeda ah.
0 Comments